Deeq A. Posted November 6, 2019 Safiyo Khaalid iyo Naadiya Cabdirisaaq Maxamed oo ah gabdho Soomaali Mareykan ah ayaa guulo ka soo hoyey doorasho gole deegaan oo ka dhacday Mareykanka. Naadiya Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga golaha deegaanka ee magaalada St Louis Park ee gobolka Minnesota, halka Safiya Khaalid ay ku guuleysatay golaha deegaanka ee magaalada Lewiston ee gobolka Maine. Natiijada lagu dhaawaqay ee doorahadan ayaa Naadiya waxa ay ka heshay boqolkiiba 63 codadkii la dhiibtay, halka Safiya ay la timid 69.6%. Sidoo kale Cabdisalaam Aadan oo ah nin Soomaali ah ayaa sidoo kale ku guuleystay guddiga waxbarashada ee xaafadda Fridey ee isla gobolkaas. Doorashooyinkan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa natiijada ka soo baxday soo dhoweeyey Soomaalida oo sanadihii dambe guulo taariikhi ah ka sameynayey siyaasadda dalka Mareykanka, gaar ahaan doorashooyinka heer gobol iyo heer Qaran intaba View the full article Share this post Link to post Share on other sites