Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax lala beegsaday Injineerada Turkiga ee  dhismaha ka wada waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa miino ahaa ayaa ka dhacay agagaarkadeegaanka Siinkadheer ee duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddadaasi.

Ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada ee saarnaa gaariga ayaa ku dhaawacmay qaraxan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreeysay ee qarax lala eegto Injineerada dhisamaha ka wada jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo horay dhaawac loogu geystay mid ka mid ah Injineeradaasi oo ku jiray howlihiis shaqo ee dhismaha waddadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this