Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan ka tirsan Jubbaland oo ku biiray kuwa dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Illaa 200 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Darawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ku biireen ciidamada Milatariga Soomaaliya ee G/Gedo.

Ciidamadan oo ka howlgalayey degmada Beled-Xaawo ayaa u wareeygay dhanka degmada Luuq oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamadaasi ay wadahadal la galeen ciidamada Itoobiya, kadibna laga dalbaday inay ka mid noqdaan kuwa dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhexeysay dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this