Deeq A. Posted November 6, 2019 Illaa 200 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Darawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ku biireen ciidamada Milatariga Soomaaliya ee G/Gedo. Ciidamadan oo ka howlgalayey degmada Beled-Xaawo ayaa u wareeygay dhanka degmada Luuq oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamadaasi ay wadahadal la galeen ciidamada Itoobiya, kadibna laga dalbaday inay ka mid noqdaan kuwa dowladda Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ay taagneyd xiisad u dhexeysay dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites