Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan oo ka dhacday gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu garaacay tuulo hoostagta degmadaasi oo lagu dhuftay illaa 6 gantaal, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, waxaana tuulada la duqeeyay gacanta ku haya dagaalyahannada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa degmada Awdheegle iyo deegaanad hoos yimaada ee gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this