Deeq A. Posted November 6, 2019 Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay si qasab ah ku kaxeysteen mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Jubbaland. Arrintan ayaa la sheegay inay ka dambeysay, kadib markii maalmihii dambe saraakiisha ciidamada dalka Itoobiya ee gudaha u galay degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo inay ka shaqeeynayeen sidii mas’uuliyiintaasi ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, balse taasi la sheegay inay ka biyo diideen xubnaha la xiray. Sidoo kale guddoomiyeyaasha degmooyinkaasi iyo saraakiisha laamaha amniga Jubbaland ayaa sharuud ka dhigay in la sii daayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, kadibna ay ogolaan doonaan go’aanadaasi. Xunaha ay kaxeysteen ciidamada Itoobiya, islamarkaana la xiray waxaa ka mid ah guddoomiyeyaasha Luuq, Beled-Xaawo, Doolow iyo sidoo kale taliyaha guud ciidamada Jubbaland ee ka howlgala gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee haatan u dhexeysa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites