Deeq A. Posted November 6, 2019 Xiisadan oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saaka ka taagan gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in xiisada ay timid, kadib markii labada ciidan ay isku qabteen dad taageersan dowladda oo lagu xiray magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha iyo ciidamada dowladda la amray inay isaga tagaan guud ahaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Barre Cabdisalaan Yacquub ayaa Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho uga warramay xiisadaasi, wuxuuna ka dalbaday dowladda federaalka inay u soo gurmato. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-1Cadaani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites