Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo guddoomiyey shir xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa xalay guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha fatahaadaha ka jira dalka, amniga iyo dib u soo celinta bilicda Caasimadda.

Filish ayaa sidoo kale faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha amniga inay laba jibaraan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Muddooyinkii dambe maamulka G/Banaadir ayaa waday dadaallo xoogan oo lagu hormarinyo  amniga Muqdisho, si looga hortago falalka lidiga ku ah nabadgelyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this