Deeq A. Posted November 6, 2019 Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee loo sameynayo Dadka ay Fatahaaddu saameysay ay si wanaagsan u socdaan. Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka, Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaraddu xarumo KMG ah ay ka furatay Baledweyne, halkaas oo ah meesha ugu badan ee uu saameynta ku yeeshay Webiga Shabelle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka qaar, la gaarsiiyey gargaar billow ah, iyadoo loo eegayo meelaha ugu daran, islamarkaana ya howluhu u socdaan sidii loogu talo galay. Meelaha gargaarka lagaarsiiyey waxaa ka mid ah Baledweyne, Baardheere iyo Bardaale, Degmooyinkaas oo dadkii ku noolaa ay intooda badan isaga barakaceen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites