Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sidii loogu tala-galay u socdo gurmadka Fatahaadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlaha gurmadka ee loo sameynayo dadka Fatahaado saameysay gargaarkii loogu talo galay ku socdo qorshihii loogu talo galay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale ayaa warbaahinta u sheegay in Wasaaraddu xarumo kumeel gaar ah ka furatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baledweyne halkaas oo ah meesha ugu badan  uu saameynta ku yeeshay wabiga Shabeelle.

Agaasimaha guud ayaa tilmaamay in dadka qaarkood oo fatahaadu waxyeelo ku yeelatay illaa haatan lagaarsiiyey gargaar bilow ah.

Meelaha gargaarka lagaarsiiyey waxaa kamid ah Baledweyne, Baardheere iyo Bardaale degmooyinkaas oo dadku isaga bakaceen guryihii ay daganaayeen.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sidii loogu tala-galay u socdo gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this