Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in ay bixin doonto Shatiyo shidaal baaris ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa shaacisay in ay bisha soo socota ee Disembar ku dhawaaqi doonto qorshaha bixinta shatigii u horreeyay ee shidaalka iyo gaaska ku jira xeebaha Soomaaliya

Wasiirka Betroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wareysi gaar ah siiyay  wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku soo jiidanayso shirkadaha maalgashiga.

Waxaan soo bandhigaynaa ilaa 15 xirmooyinka shidaalka ah,” ayuu yiri wasiirka, isagoo xusay in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in xeebaha  laga helay xirmooyinka cusub ee shidaalka ay ka fog yihiin badda Soomaaliya dhinaca ay dowladda Kenya muranka gelisay, taasi oo haatan dacwadeedu hortaallo maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in ay fursad shaqo u noqon doonto dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in da’ yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda iyo argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in ay bixin doonto Shatiyo shidaal baaris ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this