Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo eedayn kulul u jeediyay shirkadda DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Hawlaha Guud iyo Ganacsiga Baarlamanka Puntland oo ka warbixiyay kormeero ay ku sameeyeen afar kamid ah wasaaradaha Puntland iyo hay’adda PHA ayaa soo bandhigay, waxyaabihii ay ku soo arkeen xarumahaasi.

Guddiga oo warbixintooda ku bilaabay kormeerkii ay ku tageen wasaaradda Hawlaha Guud iyo hay’adda PHA ayaa sheegay in ay ku soo arkeen isku dhex-yaac shaqo oo ka jira labada dhinac, maadaama aan shaqadooda la kala nidaamin, sida ay guddiga sheegeen.

Warbixinta guddiga waxa kale oo lagu sheegay in garoomadaha diyaaradaha Puntland oo ay mas’uul ka tahay wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, ay jiraan lacago fara- badan oo laga qaado diyaaradaha iyo rakaabka isticmaala garoomada, gaar ahaanna garoonka Boosaaso, taasi oo cabashooyin xiriir ah ka yimaadeen.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu caddeeyay in dhammaan shaqadii wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ay la wareegtay shirkadda DP World oo gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso, islamarkaana aan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay maamulaysay dekedda.

Guddigu waxay ka deyriyeen xaaladda dekedda Boosaaso oo sida ay sheegeen ciid ka buuxsantahay baarkinkii ay ku soo xiran jireen maraakiibta iyo doonyaha, taasi oo keentay in gaadiidka badeecadaha looga soo daabulo badda dhexdeeda.

Hoos ka daawo warbixinta oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo eedayn kulul u jeediyay shirkadda DP World appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this