Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka PSF-ta Puntland oo diiday in la ogaado dadka ku xiran xabsiyadooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online ) – Guddiga xuquuqul insaanka Baarlamanka Puntland ayaa shalay golaha wakiilada Puntland ka hor jeediyay warbixin ay ka soo aruuriyeen deegaanada maamulka, taas oo taabanaysa meelo badan.

Guddiga ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay heerka xuquuqul insaanka iyo dembiyadii ka dhacay gudaha Puntland lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Warbixinta oo uu akhriyay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal, ayaa lagu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Puntland ka dhaceen 3387 dembi oo kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan 56 dembi oo kufsi haween loo geystay ah.

Guddiga ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay, in hey’adaha amniga Puntland ay dadka iska xirtaan, kuwaas oo xabsiyada is kaga jira muddo dheer oo gaareysa bilo ama sanado iyaga oo aan Maxkamad la soo taagin.

Waxaa kale oo ku jiray warbixinta guddiga in ay xabsiyada Puntland ku soo arkeen dad loo haysto shilal gaadiid, kuwaas oo waqtiyo dheer ku jira xabsiyada, qaarkoodna ay ku indha-beeleen sida  lagu sheegay warbixinta.

Guddiga ayaa sheegay in ay kormeerro kala duwan ku sameeyeen dhamaan xarumaha maamulka Puntland ee dadka lagu xiro, marka laga reebo hal xarun.

Xarun ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu xiro dadka oo ay maamulaan ciidanka PSF Puntland ayaa lagu sheegay warbixinta in si cad loogu diiday guddiga in kormeer ay ku sameeyaan, si wax looga ogaado dadka halkaasi ku xiran, dembiyada loo heysto iyo xaaladooda.

Warbixinta guddiga waxaa kale oo lagu sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay Puntland ka dhaceen shilal gaadiid oo gaaraya 1833 shil oo ay ku dhinteen 206 qof, halka ay dhaawacyo culus ka soo gaareen 548 ruux.

Caasimada Online
Xaafiiska Garowe
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this