Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya oo xiray mas’uuliyiin iyo saraakiil Soomaali ah + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo dhowaan gudaha u galay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi ay xireen guddoomiyeyaasha Luuq, Beled-Xaawo, Doolow iyo sidoo kale taliyaha ciidamada Jubbaland ee gobolka Gedo.

Sida aan xogta ku helnay mas’uuliyiinta iyo taliyaha ay kaxeysteen ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ka biyo diiday inay la shaqeeyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu haatan khilaaf xoog leh kala dhexeeyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha la xiray ay sharuud ka dhigeen in la sii daayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kadibna ay si toos ah ula shaqeyn doonan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare Jubbaland oo ku aadan arrintaasi iyo xarigga lagula dhaqaaqay mas’uuliyiintaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli halkeeda ay tahay xiisada siyaasadeed ee dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe, islamarkaana qabsaday caleema saar aysan ogoleyn dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this