Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Magacyada 13-kii dagaalyahan ee Shabaab u fuliyey weerarkii Balidoogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal 50 daqiiqo ah oo ku saabsanaa sagootin loo sameeyey dagaalyahanadii qaaday weerarkii ay dhawaan Kooxdaan ku qaaday Saldhigga Mareykanka ee Balidoogle.

Muuqaalka ayaa lagu soo bandhigay ilaa 13 dagaalyahan oo weerarkaas fuliyey iyo dardaaran cod ah oo uu u jeediyey hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmad Cumar Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda ayaa dagaalyahanadaas kula dardaarmay inay weerarkooda si fiican u fuliyaan oo ay laayaan dhammaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan halkaas.

Inkastoo weerarkaas si weyn loo soo qorsheeyey, haddana Al-Shabaab uma suurtagelin inay gudaha u gasho saldhigga Balidoogle, waxaana iska caabiyey ciidamadii Dowladda ee ku sugnaa banaanka hore ee Saldhigga.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso magacyada kuwii fuliyey weerarkaas oo ay Al-Shabaab soo bandhigtay

1) Maxamed Cabdi Axmed
2) Ibraahim cabdullaahi jabriil
3) Axmed Siyaad Cali
4) Cabdiraxiim xasan Ibnu Xasan
5) Yuusuf Jamaal Shiikh Cabdullaahi
6) Cabdi Cabdullaahi Cabdi Nuur
7) Cali Nahris
8)Shariif Macalin Xasan
9) Isaaq Suubow Macalin Cali
10) Maxamed Cabdullaahi Shiikh
11) Iidow Cali Caddow
12) Xuseen Maxamed Axmed
13) Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this