Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Qaaradda AFrika oo la kulmay madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika, Jeneraal Stephen Townsend, oo manta booqasho aan la sii shaacin ku tegay magaalada Muqdisho, ayaa halkaasi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya

Taliyaha oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Taliska Maraykanka ee Afrika.

Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julaay. Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya iyo dawladaha kale ee Afirka ee ay iskaashiga leeyihiin iyo weliba dalkan Maraykanka.

Waxa uu sheegay inuu qasadkoodu yahay inay weeraraan Maraykanka inkastoo ayuu yiri aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana ‘waxaa loo baahan yahay feejignaan’ sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Waxa uu sheegay in Maraykanku ay Soomaalida ka caawinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen tasiilaadka asaasiga ah ee ay kaga hortagi lahaayeen qorshayaasha argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Qaaradda AFrika oo la kulmay madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this