Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo baahiyey ‘muuqaalka amiirkooda’ iyo kooxdii weerartay saldhigga Balli-Doogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaal soconaya in ka badan 50 daqiiqo oo laga soo duubay hoggaamiyahooda Axmad Cumar Abuu Cubeyda.

Muuqaalkan ayaa intiisa badan uu Abu Cubeyday uga hadlay weerarkii dabayaaqadii September ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya ee Ballidoogle iyo arrimo kale.

Waxaa sidoo kale muuqaalka ku jira kooxdii fulisay weerarka saldhigga Balli-doogle.

Muuqaalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo uu ka soo muuqday hoggaamiya Al-Shabaab ayaa waxuu sidoo kale ku dheeraaday ka hadalka gabood fallo uu sheegay in ciidanka Mareykanku uu ka geysto Soomaaliya iyo guud ahaan dunida, iyagoo soo bandhigay dad ay sheegeen in ay eheladooda ku waayeen duqeymaha Mareykanku uu ka geystay Soomaaliya.

“Hadaba waxaan rabaa inaan halkan fariin uga diro shacabka Mareykanka ee canshuurta ku bixiya gumaadka Ummadeena la dagaalanka diinteena, boobka kheyraadkeena iyo taageeridda kuwa loogu yeero dowladda Federalka, Shacabka Mareykanka waxaan leeyahay: ma is weydiiseen howlgallada uu ciidankiinu ka wado Soomaaliya, marna mala xisaabtanteen xukuumadiina oo ma weydiiseen waxa lagu qabto canshuurta leydinka aruuriyo iyo halka ay ku baxdo, ma isweydiiseen waxa ay AFRICOM ku heyso caruurteena” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Dowladiina waa tan garab iyo gaashaan u ah taageero, taakuleyn iyo tababar joogta ahna la daba taagan maamulka Muqdisho, Ciidankiina waa kuwa burburiya macaahida u badkeena tacliinta lagu siiyo, arday Qur’aan akhrisaneysana ku laayay degmada Saakoow Ciidankiinu waa kuwa carruurteena ka afduubtay dugsiyada iyo macaahidda, waa kuwa xasuuqay dad aamin ku ah deegaankooda oo isugu jira beeraley, ganacsato, nabadoono, culimo, arday, waayeello, dumar, carruur iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan”.

Axmed Abuu Cubeyda hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab mar uu soo hadal qaaday taageerada dhaqaale ee dowladda Mareykanku ay siiso dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in canshuurta laga qaado shacab weynaha Mareykanka lagu taban taabiyo dowladda federaalka Soomaaliya

“Madaxdiinu waa kuwa dhidibada u taagay dowlad ku sheega Muqdisho oo fagaarayaasha uga faana in aysan marnaba shareecada Islaamka dalka ku dhaqeyn, iyagoo kuu dhaqanka diinta islaamka ka doorbidaya dawarsiga shisheeyaha” ayuu yiri.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in uu fariin u dirayo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, isla markaana uu ku boorinayo in ay garab istaagaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay ka hor taaganyihiin duulaan lagu soo qaaday dalkooda.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waa kuwan wiilashiina naf iyo maalba u huraya difaaca diintiina, dalkiina iyo dadnimadiina, waa kuwan cadowga idiin duleysanayey dacarta leefsiiyey, xeradoodiina dabka qabadsiiyey, waa kuwaa diiday gumeystaha in ay adeecaan, waa kuwaa ku horgudban qorshaha gumeystaha inuu hirgalo, dimuquraadiyadana diiday in dalka lagu maamulo” ayuu yiri ninka hoggaamiya Al-Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri: “dhamaan qabaa’ilada Soomaaliyeed ee sharafta iyo gobanimada leh waxaan leeyahay, garab iyo gaashaanba u noqda wiilashiina, waa wiilashiinii, idinkey idinka dhasheen, idinkey idiin halgamayaan ee nala difaaca diinta.

Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa qeybaha dambe ee warbixintiisa lagu soo bandhigay sagootin la sheegay in uu ejeedinayo dagaalyahanadii fuliyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

“Allaah tabaaraka watacaala wuxuu maanta idiin doortay inaad dhiigiina ugu nusreysaan diinta Allaah, goobta aad ku socotaan oo aad maanta u qalab qaadaneysaan oo aad u diyaarsan tihiin, oo Muslimiinta wixii taban taabo ah ay idiin awoodeen idiinku bixiyeen, goobtaas waa xerada ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya” ayuu ku yiri Abuu Cubeyda hadalkaas oo horay looga duubay, balse lagu soo bandhigay warbixintaan.

Wuxuu tilmaamay in xeradaas ay tahay meesha ay kasoo duullaan diyaaradaha drones-ka ee sida uu sheegay laayey dad maakiin ah oo aan waxba galabsan, sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Ballidoogle oo ay ka soo foofaan maleeshiyaad xilliyada habeenkii ah argagax iyo gumaad ka geysta gobolka Shabeellada Hoose, isagoo sheegay in weerarkaas ay uga abaal marinayeen gabood faladdii horay u dhacay.

“Hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, waxa aan beegsaneyno oo intaan oo dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataan” ayuu ku yiri dar-daarankii uu u jeedinayey raggii weeraray Ballidoogle.

balidoogle-5.jpg balidoogle-6.jpg balidoogle-7.jpg balidoogle-8.jpg balidoogle-9.jpg balidoogle-10.jpg balidoogle-11.jpg BowToNoneButAll00_51_3720191105-002956-2

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this