Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom oo xoojineyso howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ammaanka Soomaaliya uu wax badan iska badelay, tan iyo markii Mareykanka uu kordhiyey howlgalkiisa Milatari ee dalka.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika oo shir jaraa’id  Muqdisho ku qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey howlgaladii ugu dambeyay iyo dadaallada ay xukuumadda Washington ka wada gudaha Soomaaliya.

Steven Townsend, taliyaha ciidamada Africom oo markii labaad booqasho ku yimid Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay ku guuleysteen in Al-Shabaab ka saaraan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu intaa ku daray in howlgalladaasi ay horseedeen in uu soo hagaagay ammaanka goobaha laga saaray Al-Shabaab, inkastoo buu yiri roobabkii da’ay ay gaabis ku keeneen howlgallada Milatari.

Dhinaca kale Mr. Townsend waxa uu ka hadlay weerar dhowaan ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigooda Bali-doogle, isagoo sheegay in weerarkaasi laga hortagay, islamarkaana la dilay dhammaan dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Taliyaha waxa uu sheegay in aysan jirin khasaare dagaalkaasi ka soo gaaray dhinacooda iyo kuwa ay xulufada yihiin ee dowladda Soomaaliya

Mar Shabelle ay weydiisay khasaaraha shacabka ka soo gaara duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka geystaan gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabay in isaga tan iyo markii uu xilkan la wareegay saddex bilood ka hor, ay aad uga taxadareen in khasaare uu shacabka soo gaaro.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ee xaslinta dalka Soomaaliya oo muddo dheer ku soo jiray colaado.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this