Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gurmad gaarsiiyay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
Gurmad.jpeg?w=1000&ssl=1Diyaaraddii gargaarka gaysay Baardheere

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxay gaarsiiyay Diyaaraddii ugu horeysay oo siday Gargaar loogu talagalay dadkii ay Fatahaada sameeyeen.

Diyaaradan ayaa siday gargaar iskuugu jiro Daawooyin , Maro kaneecooyin , Teendhooyin, bustoyaal iyo agabyo kala duwan oo ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu talagashay gargaarka dadka ay fatahaadu Saameeysay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay waxyeeladu ay ka soo gaartay fatahaadaha roobabka ka da’ay degaanno kala duwan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gurmad gaarsiiyay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this