Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo culus oo loo geystay saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku waramaya in xalay duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday koonfurta gobolkaas, gaar ahaan deegaan hoos taga degmada Xarar-dheere.

Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos taga degmada Xarardheere ayaa lagu duqeeyay xarumo ay ku lahaayeen dagaalamayaasha  Al-Shabaab.

Dadka ku nool deegaankas ayaa warbaahinta u sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay ku baraarugeen daryanka gantaallo ay diyaaraduhu ku garaacayaan xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankas.

Dadka ku nool deegaanka la duqeeyay wali ma aysan xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacday gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Deeqlo oo hoos taga degmada Xarar-dheere.

Sidaan oo kale deegaan kale oo lagu magacaabo Jiracle oo u dhaw deegaanka Caad ee isla koonfurta gobolka Mudug ayaa habeeno ka waxaa duqeyn ka fuliyay diyaarado, walow aan wali la ogeyn khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay duqeyntaas, isla markaana aysan jirin cid wali sheegatay.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this