Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay sagaal ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal ruux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa xabsi da’in ah ku xukuntay, Axmed Cabduqaadir Axmed ,halka shan ruux oo kala ah 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye,iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi gaaraya min 8-sano ku xukuntay 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo -Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar

Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this