Deeq A. Posted November 5, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay laga fuliyey agagaarka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa lala beegsaday deegaanka Deeqle oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, sidoo kale lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyey. Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites