Deeq A. Posted November 5, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay roobab mahiigan ah ay ka da’een qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi. Roobabkan oo da’ayey xalay illaa maanta ayaa sameyn waxa ay ku yeesheen duulimaadyada garoonka diyaaradaha Beledweyne oo gabi ahaan xirmay. Sidoo kale roobabka ayaa hakiyey socdaal ay maanta Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ku tagi lahaayeen gudaha magaaladaasi, si ay ugu kuur galaan xaaladaha nololeed ee ka jira halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in robabkani ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa isku socodka xaafado ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray fatahaado ka dhashay wabiga Shabelle, waxaana inta badan barakacay qoysaskii daganaa degmadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites