Deeq A. Posted November 5, 2019 Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilowday nawaaxiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in deegaano hoos yimaada degmadaasi la soo dhoobay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda Soomaliya ay Ahlu Sunna kala wareegeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud View the full article Share this post Link to post Share on other sites