Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo loo gudbiyay cabasho la xiriirta duqeymo lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 20 xubnood oo ka kooban cuqaasha iyo nabaddoonada gobolka Bari, ayaa dowladda Puntland u gudbiyay cabasho ka dhan ah duqeymo bishii hore ka dhacay gobolka Bari oo lagu laayay dad rayid ah.

Qoraalka cabashada ah ee ka soo baxday cuqaasha iyo nabaddoonada gobolka Bari, ayaa manta la horgeeyay Baarlamanka ,waxaana mudanayaasha u akhriyay xoghayah golaha wakiilada Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in 25-October ee sannadkan ay diyaarado duqeeyeen dad rayid ah oo ku sugnaa togga Cameyra ee degmada Isku-shuban oo ka tirsan gobolka bari , halkaasina lagu dilay laba qof oo shacab ah mid kalena lagu dhaawacay.

Cuqaasha iyo nabaddoonada ku saxiixan warqadda oo ay weheliyaan ehelada dadka la sheeday in la laayay, ayaa dowladda Puntland ka dalbaday, in la caddeeyo cidda ka dambaysay falkaasi, islamarkaana lagula xisaabtamo dhibki ay gaysatay.

Hoos ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/xAaof_j_Tg4

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo loo gudbiyay cabasho la xiriirta duqeymo lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this