Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: Ahlusunna horay ayaan ugu dignay, haddana waxaan usii digaynaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay uga digay waxa haatan ku dhacay Ahlu Sunna ayaa markale ka hadlay xaaladda ku sii xumaaneysa ururkaasi oo hadda khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dadka deegaanku in badan ay ku faraxsan yihiin in Ahlu Sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro, taasina uu ku ogaaday, kadib xiriir uu la sameeyey dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la inkiri karin in Ahlu Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, islamarkaana u soo halgantay, iyadoo dagaal la gashay Al-Shabaab, wuxuuna ku taliyey in la xoojiyo amniga, si aan loogu darsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

Halkan hoose ka aqriso:

Ahlu-sunna horay waxaan uga dignay in aysan ku ballan furin Madaxweyne Xaaf, kuna kadsoomin heshiiska khudba sirada ah ee dhaldhalaalka iyo dhalanteedka leh ee kooxda N&N. Dhegaha ayey ka furaysteen. In badan oo dadka deegaanka ah oo siyaabo kala duwan u xariirnay ayaa ku faraxsan in Ahlu-sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro. Waxay ku doodayaan in ASWJ a yihiin caqabad deegaanka kaga horgudban dawladnimo iyo horumar nololeed. Waa dood macno samayn karta, haddii kuwa Ahlusuna laga adkaysiinayo ay iyaga wax dhaami laahaayeen.

Lama inkiri karo in Ahlu-Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, kana daafaceen argagexisada Al-Shabaab, waxaa kaloo iyana la dafiri karin in ay ku guul daraysteen ka mira dhalinta guusha iyo sidii ay ugu rogi lahaayeen mid dadku wada leeyahay oo dowladnimi iyo horumar horseeda.

Haddaba dadka ku doodaya in Ahlusunna Alle dhinac u dhaafiyo, waxaa horyaalla imtixaan weyn waana in deegaanku uusan ASWJ u darsan.

Dadka deegaanka waxey maanta haystaan nabadgelyo iyo in ay argagexiso iska daafaceen. Halbeegga lagu eegayo in ASWJ laga reystay waa inta ay hadda haystaan oo horumar nolol iyo maamul dadku wada leeyihiin lagu daray.

Kooxda la baxday N&N ujeedkoodu dowlad dhisid maaha, horumar gaarsiin maaha, dib u heshiisiin maaha, deegaan xoreyn maaha. Waa sidee talada dalka ugu soo laabannaa 2020.

Inta maanta ku faraxsan in ASWJ laga takhalusay, fariintaan iga gunta.

Kooda N&N maalintii ay madaxweynahooda la soo baxaan ayaa idinku danbaysa, waxaana ku xiga isbaaro meel walba taal, Al-Shabaab deegaanka qabsada si toos ah ama si dadban, dadkoo macno la’aan loo dilo, ganacsiga oo isku socon waaya, canshuur xad dhaaf ah iyo dhac, amnigu faraha ka baxa, ku ballan fur cid walba oo maanta kala shaqeeyey in ay ASWJ ka takhalusaan, kaddibna la yiraa yaa Ahlusunna iyo Sheekh Shaakir meel ku sheega.

“Nin dawee la leeyahay
Denbi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u daranyuu
Inuu daaro ma ogola
Daaraanta mirirka leh
Anna deyste ma ogoli”

Abwaan Gaariye (AUN).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this