Deeq A. Posted November 5, 2019 Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan iyo Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Siyaasiyiintan oo dhowaan yeeshay madal ay ku mideysan yihiin inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa u kuur gali doona xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi. Sidoo kale waxaa socdaalkan qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Beledweyne ayaa waxaa si xoogan u saameeyey fatahaada wabiga Shabelle, iyadoona inta badan ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites