Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaashii hore oo ku wajahan Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan iyo Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Siyaasiyiintan oo dhowaan yeeshay madal ay ku mideysan yihiin inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa u kuur gali doona xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa socdaalkan qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Beledweyne ayaa waxaa si xoogan u saameeyey fatahaada wabiga Shabelle, iyadoona inta badan ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this