Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo faah faahisay shil ka dhacay waddada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Xuseen Cali Mxamuud taliyaha Booliska qeybta gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa ka warbixiyey mar uu warbaahinta la hadlayey shil gaari oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa sheegay in gaari ku dhacay meel bohol ah uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar kale.

Sidoo kale Xuseen Cali ayaa uga digay dadka shacabka ah in ay ku safraan waddadaasi oo uu ka jiro burbur xoogan illaa iyo amar dambe

Shilalka gaari ee ka dhaca halkaasi ayaa loo sababeeyaa burburka waddadan  oo muddo aan helin dayactir, kadib markii ay dhowana jareen roobab ka da’ay

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this