Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuno kala duwan ku ridday dad ku eedaysnaa Al-shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
14.jpg?w=1000&ssl=1Sawirka xukmanayaasha

Maxkamadda Derejada  kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday sagaal qof oo ku eedaysnaan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, halka qaar kalena ay sii daysay, kadib markii wax denbiya lagu waayay

Magacyada eedaysanayaasha ayaa kala ahaa; Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar, waxaana dhammaantood lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, gaar ahaanna kooxda madax-jebiska ee (Amniyaadka).

Warbixin lagu daabacay bogga Maxkamadda ciidamada, ayaa faahfaahin looga bixiyay xukunnada ku dhacay eedaysanayaasha kala duwan iyo qaar kale oo lagu waayay eedaymaha ay xeer Ilaalinta ciidamadu ku soo oogtay ee la xiriira in ay Al-shabaab ka tirsanaayeen, islamarkaana u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan ee madax-jebinta (Amniyaadka).

Halkaan riix si aad u akhrisatid warbixinta oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuno kala duwan ku ridday dad ku eedaysnaa Al-shabaabnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this