Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirka Al-Shabaab oo markii ugu horreysay ka soo muuqanaya Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa wada qorshe ay ku baahineyso filim cusub oo laga diyaariyey hogaamiyaha guud ee kooxdaasi, Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeydah.

Muuqaalkan oo goos gooskiisu ay baahisay Idaacadda Andaluus ayaa waxaa markii ugu horreysay ka soo muuqanaya Amiirka Al-Shabaab Abuu Cubeydah, kaas oo bedalay, Axmed Cabdi Godane oo Mareykanku uu dilay sanadkii 2014-kii.

Mu’assasada Al-kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa ballan qaaday in saacadaha soo socda ay baahin doonto filimkan oo lagu soo bandhigayo xasuuq ay sheegtay in Mareykanka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale muuqaalka ayaa waxaa ku jiri doona macluumaad ku saabsan weerarkii xooganaa ee bishii hore lagu qaaday deegaanka Balidoogle oo uu yaallo saldhigga ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Filimkan ayaa waxaa kaloo la sheegay inuu ka soo muuqan doono Abuu Cubeydah, isagoo sagootinaya raggii fuliyey weerarkaasi oo uu ka dhashay khasaare xoogan.

Abuu Cubeydah oo aan looga baran inuu soo duubo muuqaallo ayaa sidoo kale ka hadli doono dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee kooxda oo weli dagaal ka wada dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Muuqaalka ay Al-kataa’ib ballan qaaday ayaa waxa ugu muhiimsan ee isha lagu hayo ay tahay Abuu Cubeydah oo aan weli la arkin muuqaalkiisa marka laga reebo sawirro hore looga qaaday oo la helay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this