Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay qabatay haweeney la dhalatay hoggaamiyihii ISIS Abubakar al-Baghdadi

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay qabatay haweeney la dhalatay hoggaamiyihii ISIS Abubakar al-Baghdadi

sister.jpg

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigtay haweeney la dhalatay hoggaamiyihii ISIS ee dhawaan Mareykanku ku dileen duleedka magaalada Idlibee dalka Suuriya Abu Bakr al-Baghdadi.

Turkiga oo ay ciidamo ka joogaan Suuriya ayaa intaa ku daray in gabadha ay qabteen ay ka weyn tahay al-Baghdadi islamarkaana ay ku qabteen waqooyi-galbeed ee dalkaasi Suuriya.

Haweeneydan la qabtay oo da`deeda 65 sano jir lagu sheegay ayaa laga soo qabtay hoy konteenar ka sameysay oo ay la daganeed qoyskeeda magaalada xuduudda dhacda ee Azaz islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada Turkiga.

Maalmo ka hor ayuu Mareykanka ku dilay duleedka magaalada Idlib ee dalkaasi Suuriya hoggaamiyihii ISIS Abu Bakr al-Baghdadi kaas oo in badan ay baadigoobayeen.

Ma cadda dambiga ay leedahay haweeneydan iminka ay Turkigu gacanta ku dhigeen marka laga reebo in ay la dhalatay Abu Bakr al-Baghdadi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this