Deeq A. Posted November 5, 2019 Guriceel (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ayaa soo gaaray deegaano hoos-tagga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, maalin uun ka dib markii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Somaliya. Ciidamada Dowladda oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa Axadii bilaa dagaal kula wareegay Magaalada Guriceel, saacado yar uun ka dib markii ay isaga baxeen Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Dhexe. Dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa xalay lagu arkay Deegaanada Waradhuumale iyo Dhagaxyaale ee duleedka Magaalada Guriceel. Tani ayaa timid markii ay deegaanadaasi baneeyeen Xoogaga Ahlu Sunna. Ma cadda in dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ay ku wajahan yihiin Magaalada Guriceel iyo in kale. Ahlu Sunada Galmudug oo khilaaf toddobaadyadii la soo dhaafay soo jiitamaayay kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya ayaa waxaa Axadii gacanteeda ka baxay Magaalooyinka Guriceel & Matabaan. Ciidamada Dowladda ayaana bilaa dagaal kula wareegay magaalooyinkaasi. Ahlu Sunada Galmudug ayaa ahayd awood muuqato oo qaybo ka mid ah Gobolada Dhexe ka caabineysay Shabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Ururka Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay ka faa’iideystaan khilaafka xilligan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe kala dhaxeeya Dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites