Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland Oo Heegan La Geliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa sheegay in ay xoojiyeen hawlihii ay bulshada u hayeen, maadaama oo xili roobaadyada ay iman karaan arrimo bulshada dhib u gaysayn kara oo dabku ka mid yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka deb-demiska qaranka ayaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyay heegan ay galeen ciidankaasi sidii looga taxadari lahaa Roobab Dabaylo wata oo maalmihii u dambeeyay la saadaalinayay inay ka da’ayaan guud ahaan Gobollada Somaliland.

60448335_2329639457311871_91962733659024 0a6b612e-fcb8-4835-824b-7fd015952942

Warkaas waxa kaloo lagu sheegay in ciidanka dab-demisku ay wada shaqayn dhaw la leeyihiin Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka, oo soo xiganaysa hay’addaha saadaasha Hawada ee Geeska Afrika iyo kuwo caalamiga ah, iyadoo saadaalahaasi sheegayaan in roobabkaasi ku soo beegan yihiin dhulka Xeebaha Somaliland.

Qaar ka mida degaannada Somaliland ayay maalmihii u dambeeyay ka da’een roobab aan wax khasaare ah gaysan, iyadoo masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka Somaliland ay dadweynaha uga digeen halisaha ka dhalan kara roobabkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this