Deeq A. Posted November 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 9aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Maamulka Maaliyadda guud . Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada maaliyada ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim. Wasiru doowlaha ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan mudo laga soo shaqeeynayay muhiimadna u yahay dalaka . Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyadda guud, Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibka uga aadan hindise-Sharciyeedkan. Dhinaca kale, Mowliid Xuseen Guhaad, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sarre, ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Fataahadaha ee Golaha ayaa shaaciyey in ay isla garteen in Senator walba uu bixiyo kun Doollar. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Kulan.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites