Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo fariin u dirtay hogaanka ururka Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa maanta qabtay shir saxaafadeed.

Maareeye ayaa kulan warbaahineedka uga hadlay xaaladaha Beledwayne iyo qodobo kale oo ku saabsan guud ahaan waddanka.

Ugu horeyn, wuxuu shaaca ka qaaday in dowladdu gurmar degdeg ah gaarsiin doonto gobolada kala duwan ee waddanka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu caalamka ugu baaqay in ay dowladda ku garab siiyaan sidii ay gargaar u gaarsiin lahayd dadkaas.

Dhinaca kale, hogaanka Ahlu Sunna oo ay xukuumada federaalka is-hayaan ayuu ku waaniyey in ay joojiyaan carqaladeynta Galmudug.

Mr Maareeye ayaa ku booriyey in ay qayb ka noqdaan dedaalada dib loogu dhisayo Galmudug iyo hagaajinta dowladda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Khamiis.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this