Deeq A. Posted November 4, 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniina shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga Jubaland kaas oo bishiiba mar la qabto. Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobad Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha wasiirada ee ka tirsan golaha amniga iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo AMISOM waxaana looga hadlay dardar gelin sugidda Jubaland iyo la’dagaallanka Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay ballaarinta xarunta wadaaga xogta ee taliyada kala duwan ee ciidamada iyo shacabka. Qoraalka ayaa intaasi ku daray in la isku raacay ciidamada AMISOM in ay tagaan furimaha hore ee ay ka howlgalaan Ciidamada Jubbaland si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo amar cusub ku soo rogtay ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites