Deeq A. Posted November 4, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ka fulisay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid gaamdo ah ayaa waxaa lagu dilay illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka HirShabele, sida ay sheegatay Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobolka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites