Deeq A. Posted November 4, 2019 Dowladda federaalka ah ee Soomaaaliya ayaa maanta amar culus dul-dhigtay guddiga farsamada doorashada oo uu dhowaan magacaabay madaxa xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Amarkan ayaa lagu sheegay in guddigaas hadda wixii ka dambeeya uusan wax dhaq dhaqaaq siyaasadeed ah ka sameyn Karin magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale waxa ay dowladdu sheegtay in wixii arrimo doorasho ah looga dambeynayo guddiga ay magacowday wasaaradda arrimaha gudaha. Ahlu Sunna ayaa horay uga hortimid guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, waxaana taasi ay dhalisay khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay labada dhinac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites