Sign in to follow this  
Deeq A.

BECO oo $40 kun ugu deeqday dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda adeegga korontada ee BECO ayaa maanta deeq Lacageed ku wareejisay guddiga gurmadka fatahaadaha ee dhowaan xukuumaddu magacowday.

Lacagta oo dhan 40,000 oo Doller-ka Mareykanka ah ayey BECO ugu talagashay inay uga qeyb qaadato gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Cali Maxamed Kaariye oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda BECO aya sheegay in deeqdan aysan noqon doonin tii ugu dambeysay ee ay bixiso shirkadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa wada gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ku tabaaleysan degmooyinka Beledweyne iyo Bardaale ee gobollada Hiiraan iyo Baay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this