Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug: Villa Somalia oo Ciidamo Horleh Geysay iyo Ayax oo Dhibaato Ku Haya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyey ee Galmudug waxaa ay sheegayaan in maanta magaalada Dhuusamareeb laga dejiyey ilaa 50 askari oo Haramcad ah kana tirsan booliiska Soomaaliya, lama oga waxa loo adeegsan doono, laakin si nabad ah ayey ku tageen.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf ka dhex jiro Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka ah kadib markii ay ciidamada dowladda la wareegeen degmooyinka Guriceel iyo Matabaan, horayna la isku mari la’aa arrimaha doorashada.

Dhinaca kale, muddo bil ah waxaa deegaannada Galmudug dhibaato ku haya Ayax, beero yar oo halkaasi dadku ku lahaayeen iyo xataa wixii dhir, caleemo ama cows ahaa waa cunay, waxaa kale oo laga cabsi qaba ain koronkorada uu ka tago ay sidoo kale dhibaato ku noqon doonto deegaanka sanadka soo socda.

Wararkan oo faahfaahsan, kala soco

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this