Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo sheegtay in wefdigii uga qeyb-galay Caleema-saarkii Axmed Madoobe ay ogolaansho ka haysteen dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-8.jpg?w=1000&ssl=1 Macharia Kamau

Mas’uul ka tirsan dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in wefdigii ka socday dalkaasi ee ka qeyb-galay xafladdii Caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, ay ogolaansho ka haysteen xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay raalli k ahayd tegitaanka wefdiga kenya ee magaalada Kismaayo, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu hadda wanaagsanyahay.

Sidoo kale, doorashadii ka dhacday Jubaland ee mar kale lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, ayuu ku tilmaamay mid xor iyo xalaal ahayd oo si nabdoon u dhacday, isagoo bogaadiyay guusha Axmed Madoobe ka gaaray doorashadaasi

Kenyaan-ka jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu yiri Macharia Kamau.

Macharia ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd wafdigii ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, oo aysan jirin wax xad-gudub ah oo Kenya ay ku sameysay Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Kenya oo sheegtay in wefdigii uga qeyb-galay Caleema-saarkii Axmed Madoobe ay ogolaansho ka haysteen dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this