Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto Universal TV

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa jawaab ka bixiyay barnaamij xalay ka baxay telefishinka Universal oo lagu dhaliilay xukuumadda Puntland.

Universal TV xaruntiisa London, Program-ka ay xalay sii daysay oo la yiraado ra’yiga Todobaadka, waannu dhegaysanay, waxaanuna ku aragnay in aanu ku saxnayn TV-gaasi arrimaha uu sheegay” ayuu yiri wasiir Sabareey.

Wasiirka ayaa sheegay in ay xiriir la samayn doonaan maamulka saree e telefishinka Universal, si ay wax uga weydiiyan dhaliilaha ku xusan barnaamijka xalay ka baxay telefishinkaasi “ TV-ga dad baa iska leh, agaasimayaal buu leeyahay iyagana waanu la xiriiri doona insha Allaah” ayuu sii raaciyay wasiirka.

Mudane Sabareey, waxaa uu Universal TV ku eedeeyay in uu kicin dadweyne sameeyay, balse aysan waxba ka jirin arrimaha uu ka hadlay, isagoo ku hanjabay in dowladda Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto haddii loo baahdo.

Hoos ka daawo hadalka wasiir Sabareey

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto Universal TV appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this