Deeq A. Posted November 4, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u muquda inuu ka guuray hal ku dhigga Nabad iyo Nolol, ee xukuumaddiisa ay caanka ku ahayd, una guurey hal ku dhig cusub oo uu adeegsigiisa billaabay. Ra’isul wasaaraha ayaa ha ku dhigii Nabad iyo Nolol ku beddshay isticmaalka laba hal ku dhig oo cusub, kuwaas oo kala ah: Hiigsi iyo Horumar iyo Ammaano iyo Adeeg Ra’isul wasaare Kheyre ayaa hal ku dhigyada cusub u adeegsaday gunnaanadka qoraal ku saabsanaa kulan dhex maray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Dr. Xaafid Gaanim oo lasoo dhigay bartiisa Twitter-ka. Arrintaan uu ku dhaqaaqay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa fasiraado dhowr ah laga bixiyey, ayada oo qaarkood ay ku macneeyeen inay qeyb ka tahay ololihiisa ku aadan doorashada dalka ka dhici doonto 2021 oo la filayo inuu noqdo musharax ka madax banaan dowladda talada heyso. Sidoo kale, xubno isaga ku dhow ayaa sheegay in hal ku dhigyada cusub ay qeyb ka yihiin un kuwa badan oo uu adeegsado balse aanu ka guurin “Nabad iyo Nolol”. Madaxda ugu sarreysa dalka ayaan ilaa hadda ku dhawaaqin wax xisbi ah, wuxuuna horey u sheegay Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed inay dowladda ku dhawaaqi doonto xisbi weyn. Lama ogo haddii ay Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha ku heshiin doonaan xisbiga cusub oo ay dowladda ku dhawaaqi doonto in kastoo loo badinayo inay ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha ku tartami doonaan kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya taasoo aan aheyn mid ku cusub siyaasadda Soomaaliya. Ra’isul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa horey ula tartamayey Madaxweyne Sheekh Shariif doorashadii dhacday sanadkii 2012. Sidoo kale Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa doorashada kula tartamay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2016. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites