Deeq A. Posted November 4, 2019 Hirar waawayn oo badda Laasqoray ka soo kacay ayaa dibadda u soo saaray oo burburiyay ugu yaraan toban doonyood Waxaana jira walaac laga qabo inay biyuhu galaan guryaha sida uu BBC-da u xaqiijiyay, Badhasaabka badhan u jooga Somaliland Cali Xuseen Saalax. Hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in la filayo inay mahiigaannada ka da’aya qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka sii daraan labada maalmood ee foodda inagu soo haya. Shalay ayay ahayd markii digniinta laga soo saaray duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah. Dhanka kalana waxaa hoos u dhacay roobabka ka da’aya Juba, Shabeelle iyo waliba dhulka buuralayda ah ee Itoobiya. Daadad iyo fatahaado badan oo arrintaas ka dhashay ayaana khasaare badan ka gaystay deegaanno badan oo Soomaali ah Duufaan markale ku soo socota xeebaha Puntland iyo Somaliland berito sida ay sheegeen xarunta hawada ee urur goboleedka IGAD. Waxay sheegeen in duufaantu soo gaarayso berito xeebaha Somaliya. Digniin:- Saaka waxa jira daruuro badan oo onkod samaynaya waxay u eeg yihiin roobabki la saadalinayay, dadweynaha reer Berbera waxaan uga digaynaa meelaha biya mareenada ah inay u dhawaanin Ka dawlada hoose ahaan waxaan heegan buuxa galinay dhammaan shaqaale waynaha dawlada hoose oo ku jira diyaar garaw iyo inaan xaalada la socono. Ilahay SW marka aynu is baydhino ayuu isna ina badbaadinayaa. Source Share this post Link to post Share on other sites