Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo kulan gaar ah la qaatay bulshada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo la shaqeeynta hay’adaha ammaanka.

Madaxweynaha ayaa shacabka ku nool dagmada Baraawe ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidamada qalabka sida ee har iyo habeen u taagan sidii ay u badbaadin lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed,isagoo ka codsaday inay sii kordhiyaan dadaalkooda.

Dhanka kale Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa saraakiisha ammaanka kala hadlay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin K/koonfur

 

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa shalay gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhismahiisa la soo gabagabeeyay, sidoo kale wuxuu soo kormeeray xaaladda guud ee magaalada Baraawe iyo sida adeegyada bulshada ay u shaqeeyaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this