Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ciidamo hor leh ka dajisay degmada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka markale diyaarad siday ciidamo ka tirsan kuwa dowadda ay ka degtay magaaladaasi.

Ciidamadan oo ah kuwa Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa la sheegay in lagu wareejin doono ammaanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan xiisad xoogan o u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Khilaafka ayaa ka dhashay sameynta guddiga farsamada doorashada oo ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kaas oo ay ka hortimdi Ahlu Sunna Waljamaaca.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this