Sign in to follow this  
Deeq A.

Bal Ogow Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Dhacay Bisha October 2019 Guud Ahaan Isboortiga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Goobjoog Sports ayaa kuu soo gudbinaysa guud ahaan dhacdooyinkii  dhacay bisha October 2019 ciyaaraha Soomaaliya,iyadoo aan horay aqristiyaasheena sharafta badan ugu soo bandhigay bilooyinkii ka horeeyay.

01-October-2019-Madaxweynihii hore Soomaaliya mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa hoyga uu ka daganyahay wadanka Masar ku qaabilay ciyaaryahanada Soomaaliya ugu qeyb galay ciyaaraha Golf Pan Arab Championships oo sanadkan lagu qabtay magaalada Qaahira.

MD-CB-1024x629.jpg02-October-2019-Kooxda Heegan Sports Club ayaa bogooda bulshada ku shaacisay in laacibkeeda qadka dhexe Mahad Maxamed Mahad (Saaha) oo iskaga fariistay gabi ahaan ciyaarista kubbadda cagta.

Mahad-2-1024x654.jpg

03-October-2019-Kooxda Degmada Xamar Jajab ayaa mudo dheer ka dib usoo baxay rubac dhamaadka tartanka kubabdda cagta Degmooyinka 2019,xidigaha Xamar Jajajb ayaa 2-1 kaga badiyay kooxd Hodan.

Daadir-3.jpg

04-October 2019-Degmada Dharkenlay ayaa 8-sano ka dib usoo gudubtay wareega Sem-Finaalka tartanka degmooyinka,ka dib markii ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda degmada Shibis wareega sideed dhamaadka.

dharkenlay-1024x617.jpg

05-October 2019-Ciyaaryahan Farxaan Cumar oo ka mid ah kooxda PIF ee ka dhisan wadanka Finland ayaa kooxdiisa u soo saaray horyaalka heerka labaad ee Division 2,isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanahay taariikhda iyo guulaha uuu la sameeyay naadiga reer Finland.

October.00_01_12_14.Still001-1024x768.jp
06-October 2019-Xulka Soomaalliya ee Taekowndowga ayaa ka qaybgala Riga Open World Championship

TK1-1024x640.jpg
07-October 2019-Dagmada Waabari ayaa markii 5-aad oo xiriir ah gaartay finaalaha koobka dagmooyinka Gobolka Banaadir,kadib markii ay ka adkaadeen kooxda dagmada Shangaani kulanka labada dhinac ayaa waqtigii looga talagalay ku dhamaaday barbaro 0-0,hase yeeshee waxaa 4-3 rigoorayaal sanadkii 3-aad oo xariir ah kama dambeysta taranka  degmooyinka ku tiigsaday xidigaha kooxda degmada Waaberi.

DEG3-1024x571.jpg

08-October 2019-Degmada Dharkenley ayaa mudo sideed sano ah ka dib ah u soo baxday fiinalaha tartanka  degmooyinka Gobolka Banaadir ,ka dib markii gool ku laadyo 4-2 ah kaga badisay Xamar Jajab.

Dhar-6-1024x556.jpg
09-October 2019-Kooxda Heegan ayaa saxaafa usoo bandhigtay in ay soo qaateen goolhayaha kooxda degmada Waaberi u sahlay in ay soo tiigsato fiinalaha tartanka degmooyinka 2019 Cabdiraxmaan Daahir (Abwaanka),isagoo badal u noqonaya laacib Mustaf Maxamed Yuusuf oo kooxda ka tagay.

Abw.jpg

10-October 2019-Xariirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku sameeyay isku aadka koobka sanadaha ee Jeneraal Daa’uud waxaana isku aadka ka qeyb galay madaxda kooxaha Soomaaliya.

Isku-3-1024x440.jpg

11-October 2019-Maamulka dagmada Xamar Jajab ayaa laacib Daadir Amiin Cali u magacaabay guddoomiyaha isboortiga degmada,isagoo kooxda Xamar Jajab mudo dheer ka dib u sahlay in ay soo gaarto Semi-fiinaalka tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2019.

Daadir-2.jpg

12-October 2019-Wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada,Xariirka Kubbadda cagta iyo guddiga dhismaha garoonka kubbadda cagta Mira Awaare ayaa Puntland kusoo dhaweeyay Injaneerada Samayn-Lahaa Cabirka iyo Naqshadda Rooga Cagaaran ee garoonka waxaana laga wadaa in Puntland ay hesho garoomo casri ah.

Garowe-4.jpg

13-October 2019-Ciyaartooydii hore kooxda kubbadda cagta Heegan iyo kuwa iminka dheela ayaa kulan saaxiibtinimo ku ciyaaray Muqdisho waxaana kulankaa badiyay halyayadii hore ee naadiga Heegan waxaana kulankan kasoo muuqday Diyeeshe Dheer oo ka mid ah xilidhibaanada Golaha shacabka.

Heegan-1-1024x683.jpg

14-October 2019-Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee wadanka Sweden ayaa noqotay naadiga 2-aad ee ugu aqlaaqda wanaagsan horyaalka Division Four ee dalka Sweden waxayna arintan dhiiri-gelin iyo hor u socod u noqotay maamulka Som United oo koox Soomliyeed.

Som-United-1.jpg

15-October 2019-Macallinka reer Uganda ee hogaamiya kooxda Elman Robert Mayang ayaa qaatay diinta Islaam,isagoo sheegay in aad ugu helay habdhaqanka dadka Muslimiinta kusoo biiritaanka diinta islaamka tababaraha Elman waxaa goobjoog ka ah boqolaal qof.

Robert-Mayanja-4-1024x576.jpg
17-October 2019-Injineerada gacanta ku hayo garoonka cayaaraha Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa guddiga dhismaha garoonka,Wasaarada Ciyaaraha iyo Xariirka Kubbadda Cagta Puntland u soo bandhigay qaabka ay doonayaan in ay u dhisiyaan garoonka markii ay dhameeyaan howsha iminka ka socota.

Kulan-4.jpg

18-October 2019-Maamulka Kooxda Elman Sports Club ayaa amaanay macallinkooda reer Uganda Robert Mayanga oo qaatay diinta Islaamka,isagoo sheegay in loo bixiyay magaca Ciise,Maamulka Elman ay howshan ku bogaadiyay saaxiibadii ka shaqeeyay mudadii ay soo socotay sanadihii lasoo dhaafay.

October.00_17_17_21.Still005-1024x768.jp
19-October 2019-Garsoorayaasha heerka caalami ee Soomaaliya ayaa dhex Dhexaadiyay kulanka ka tirsanaa tartanka chan wuxuuna kulankaa u dhaxeeyay Xulalka Uganda iyo Burundi,garsoorayaasha kulankaa kasoo muuqday waxa ay kala ahaayeen Xasan Xaaji,Suleymaan Bashir ,Nuur Cabdi iyo Max’ed Nuur.

Garsoorka.jpg
20-October 2019-Oradyahan Cabdi Lucky oo Soomaaliya orday tartanka Amsterdam Mrathon 2019 ayaa galay kaalinta 13-aad ee kala horeynta,isagoo soo bandhigay tayo sare bilooyinkii laga soo gudbay laacib Cabdi waxa uu ka qeyb galay tartamo kala duwan ee dhinaca oradka kuwaas oo ka kala dhacay wadamada Yurub iyo Africa,isagoo sanada soo aadan rajaynayo in uu gaaro kaalama sare oradka caalamka.

Cabdi-Lucky-3-1024x682.jpg
21-October 2019-Tartanka Kubbadda Cagta Jeneraal Daa’uud 2019 ayaa ka furmay caasimada Muqdisho waxaana kulankii furitaanka wada dheelay kooxaha Gaadiidka iyo Badbaado,iyadoo furitaanka ay ka qeyb galeen maamulka Xariirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo madax ka socotay ciidan xoogga dalka.

Jeneraal-5-1024x642.jpg
22-October 2019-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhismaha iyo dib u dayactirka garoonka kubbadda cagta Bosaaso ugu deeqay lacag dhan $200,000 waxaan arintan soo dhaweeyay Xariirka Kubbadda cagta Puntland iyo bahda ciyaaraha.Deni-5-1024x683.jpg
23-October 2019-Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa shan ka dib guushii ugu horeesay ka gaartay naadiga Dekeddaha,kulamadoodii kowaad ee tartanka sanadlaha ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxaana goolka qura ay ku badiyeen u dhaliyay laacibkooda Feysal Axmed Xasan.Mcc-6.jpg

24-October 2019-Maamulka Kooxda Heegan Sports Club ayaa shaaciyay in ay dib naadiga ugu soo celiyeen laacibkooda qadka dhexe Mahad Maxamed (Saaha) uu horaantii October 2019 sheegay in uu gabi ahaan ka fariistay ciyaaraha kubbadda cagta.

Mahad-3.jpg 25-October 2019-Kooxaha Kubbadda cagta Horseed iyo Elman oo wada ciyaaray is aragoodii kowaad ee tartanka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse ayaa ku heshiiyay barbaro goolal la’aan,iyagoo ku jira Group B.

Horseed-VS-Elman-3-1024x514.jpg
26-October 2019-Injaneer gacanta ku haayo dhismaha garoonka Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo bandhigay dhaqshada iyo qaabka ay doonayaan in uu ekaado markii ay dhamaayeen howlaha iminka ka socdo waxaan sawirro muujinaya naqshadeentiisa lagu soo bandhigay barabraha bulshada.

Cawaale-Stadium-5.jpg

27-October 2019-Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa horomar wanaagsan iyo kobac kasoo sameeyay dhinaca kale horenta qiimeeynta FIFA,isagoo soo galay kaalinta 198 maadam uu haray xulkeena Soomaaliya looga bartay kaalama 202 iyo wixii ka hooseeya,balse arintan ayaa ku timid da’daalada wanaagsan ay muujiyeen.

Rank-1-1024x768.jpg
28-October 2019-Yoonis Cabdirashiid Egag oo ah weeeryahanka kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee wadanka Sweden ayaa ku guulaystay gool dhalinta horyaalka fasal ciyaareedkan 2018-2019,isagoo dhaliyay 17-gool 18-kulan oo uu dheelay wuxuuna ka mid yahay laacibtiina ugu tayada wanaagsan ee ka dheela dhinac weerarka wadanka Sweden.

Yoonis-Cabdirashid-1-1024x683.jpg
29-October 2019-Guddoomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cali Cabdi Maxamed ayaa kormeer ku tagay tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho,iyagoo sheegay in ay  madaxda Dowladda Soomaaliya ay shaqo wanaagsan ka qabteen dib u dhiska garoonka Muqdisho Stadium mudadii ay gacanta ku haysay.

Stadium-Muqdisho-5-1024x683.jpg
30-October 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray xafiiska naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club,Furitaanka xafiiskan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyeen ka socotay Gobolka Banaadir,Xariirka Kubbabadda Cagta ,macallimiinta iyo taageerayaasha naadiga.

Xafiisa-4.jpg
31-October 2019-Yoonis Cabdirisaaq Faarax ayaa kooxda reer Norway ee Trysil kula guulaystay horyaalka heerka afaraad ee dalka wuxuuna ka mid ahaa xidigihii kaalinta wanaagsan ka qaatay labadii kulan ee xulka Qaranka la dheelay dhigiisa Zimbabwe bishii September 2019.

Yoonis-1.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhacdooyinka Bisha October 2019 Oo Muuqaal Ah

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-qalinle39@gmail.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this