Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbaxayo Mar Kale Gilgilay Dalka Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Lubnaan)-Dibadbaxayo ballaadhan ayaa markale ka bilaamay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Lubnan. Mudaharaadyada oo u muuqday iney yara istaageen kaddib marki uu Ra’iisul Wasaarihii dalkaas Sacad xariiri uu ku dhawaaqay inuu is casilayo, ayaa haatan dib u soo noqday.

L-750x430.jpg

Dadka mudaharaadaya waxay dowladda ku eedeynayaan iney sidii la rabay uga jawaabin shacabka waxyaabaha ay ka cabanayeen.

Ra’iisul Wasaarihii dalka Lubnaan ayaa is casilay salaasadii la soo dhaafay balse dibedbaxayaasha haatan dib ugu soo laabtay waddooyinka ayaa waxay sheegayaan in ayna weli qanacsanayn, oo waxa ay doonayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro dowladda haatan jirto oo isbedel lagu sameeyo habka siyaasadda dalkaasi.

Mudaaharaayasha ayaa maamulka haatan jira waxay ku tilmaameen inuu yahay mid musuq daashaday sidoo kalana loo aaneynayo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka Lubnaan iyagoona wacad ku maray inay sii wadi doonaan dibedbaxyada illaa uu dalkooda ka dhaco isbedel dhab ah.

Dhanka kale waxaa jiray mudaaharaadyo kale oo lagu taageerayay madaxweyne Michel Aoun, kuwaasi oo aaminsan in Michel uu yahay ninka saxda ah ee isbedel ka sameyn kara dalka Lubnaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this