Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda HirShabelle oo gaaray degmada Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga HirShabelle, C/qaadir Aadan Jeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Jeelle ayaa kulamo looga hadlayo amniga ka bilaabay halkaas, isagoona la qaatay saraakiisha Booliska HirShabelle ee ku sugan degmadaasi.

Sidoo kale wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, wuxuuna ka xog wareystay xaaladaha dhanka nolosha ee ka jirta halkaasi.

Buulo-Burte ayaa waxaa maalmihii dambe ka jiray dhibaatooyin dhinaca amniga ah, iyadoona qeylo dhaan xoogan ay ka soo yeereysay shacabka magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this